Article Contents
Hordhac

Waxaa laga yaabaa inaad maqashay dad badan oo ku leh: “SEO-gaaga ma hagaajisay?”, ama “boggaas wuxuu sare uga muuqdaa Google maxaa yeelay SEO-giisu waa fiican yahay.” Haddaba, Waa maxay SEO? Ma muhiim bay kuu tahay adiga oo ah blogger, ganacsade, ama qof raba in website-kiisu gaaro dad badan?
SEO waa eray kooban oo ka yimid afka Ingiriisiga: Search Engine Optimization. Af-Soomaali ahaan, waxaa loogu tarjumi karaa: “Hagaajinta Makiinadaha Raadinta.” ama raadinta fudud.
Tani waxay ka dhigan tahay habka loo sameeyo bog internet si uu uga muuqdo natiijooyinka ugu sarreeya marka qof wax raadinaayo, tusaale ahaan, marka qof Google ku qoro: “Kafee wanaagsan oo ku yaalla Muqdisho” ama “sidee loo bilaabaa blog?”
Waa maxay sababta SEO muhiim u tahay?
🎯 Tusaale:
Cabdi waa ganacsade sameeya kafeega Soomaaliga ee dabiiciga ah. Wuxuu leeyahay bog internet, balse cid booqata ma jirto. Halkaas ayuu SEO ka bilaabanayaa – haddii Cabdi uu adeegsado SEO, boggiisa wuxuu ka soo muuqan karaa Google marka qofku raadinayo “kafee dabiici ah Soomaaliya”, taasi waxay keenaysaa macaamiil cusub.
SEO wuxuu kuu horseedi karaa taraafik dabiici ah — taasoo ah booqashooyin aan laga bixin qarash xayeysiis.

Haddii aad ka raadiso google ka erey furka (Keywordka) “Sidee ku baran karaa xirfad” waxaad arkeysaa in website kayga uu yahay midka 2aad ee baarista google ka!
Maxay tahay Makiinadaha Raadinta (Search Engines)?
Marka laga hadlayo SEO, waxaa laga hadlayaa adeegyada raadinta sida:
- Google – kan ugu weyn dunida.
- Bing – adeeg kale oo ay leedahay shirkadda Microsoft.
- Yahoo, DuckDuckGo iyo kuwa kale oo yar-yar.
Laakiin marka laga hadlayo Soomaaliya iyo guud ahaan Afrika, Google ayaa ah kan ugu isticmaalka badan.
SEO ma ku habboon yahay Soomaalida?
Haa, SEO waxa uu aad ugu habboon yahay bulshada Soomaaliyeed:
- Blogger-yaasha raba in la akhriyo maqaalladooda.
- Ganacsatada raba in alaabtooda laga helo online.
- Shaqsiyaadka horumarinaya summadooda (personal branding).
- Xarumaha waxbarashada, farmasiyada, iyo dhakhaatiirta raba in laga raadsado adeegyada ay bixiyaan.

Somali Health Tv waa mid kamid ah macaamiisheena aan u hagaajinay website kooda iyo SEO gooda. Waxaad arkeysaa in linkiga 1aad ay noqdeen markii aan raadino ereyada la xariiro “health tv in somalia, Somali Tv Health iwm“.
Sidee ayee u shaqeeyaa SEO? Imisa Qeybood ayuu leeyahay SEO?

Markaan ogaanay in SEO yahay hab lagu hagaajiyo bogga internet-ka si uu uga muuqdo raadinta Google, hadda aan si qoto dheer u fahanno sida uu u shaqeeyo iyo qaybaha muhiimka ah ee uu ka kooban yahay.
1. Kormeer (Crawling)
Google wuxuu adeegsadaa barnaamijyo yar-yar oo loo yaqaan bots ama spiders si ay u booqdaan una akhriyaan bogagga internetka.
- Waxay baarayaan xiriirada (links).
- Waxay akhriyaan qoraalka boggaaga.
- Waxay raadiyaan xogaha muhiimka ah sida cinwaanka (title), qoraalka (content), iyo faylalka sitemap-ka.
2. Keydin (Indexing)
Marka Google akhristo boggaaga, wuxuu go’aansadaa inuu keydiyo macluumaadkaas, si uu markale u soo celiyo haddii qof ku raadiyo wax la xiriira.
- Boggaaga wuxuu galayaa keydka weyn ee Google.
- Haddii boggaaga uu leeyahay qaladaad (tusaale ahaan: qoraal koobaan, URL qaldan, ama aan mobile-ka la jaanqaadi karin), waxaa laga yaabaa inuusan si fiican u kaydsamin.
3. Kor u Qaadis (Ranking)
Marka qof wax baarayo, Google wuxuu isticmaalaa qiyaasayaal badan (over 200 factors!) si uu u qiimeeyo bogagga la heli karo, wuxuuna tusaa kuwa ugu sarreeya.
Tusaalooyin ka mid ah waxa ay Google eegto:
- Tayada nuxurka: Ma ku jirtaa jawaabta saxda ah?
- Degdegga bogga: Miyay si dhakhso ah u furmaysaa?
- La jaanqaadka mobile-ka: Ma ku fiican yahay telefoonka gacanta?
- Erayada muhiimka ah: Ma ku habboon yihiin baaritaanka?
Qaybaha Muhiimka ah ee SEO
SEO waxuu leeyahay 3 qeybood aad u weyn oo lama huraan tahay in la adeegsado.
✅ 1. SEO Gudaha Bogga (On-Page SEO)
Tani waa dhammaan waxyaabaha aad ka qaban karto gudaha boggaaga si uu uga muuqdo raadinta:
- Isticmaalka erayo muhiim ah (keywords).
- Cinwaan sax ah (H1), qaybo (H2, H3), iyo qoraal cad.
- Sawir leh qoraal sharaxaya (alt text).
- URL nadiif ah oo kooban, tusaale:
fatuux.com/waa-maxay-seo
.
Tusaale: Haddii aad qorayso maqaal ku saabsan “ganacsi bilaash ah”, waxaa muhiim ah in eraygaas uu ku jiro cinwaanka, faafaahinta, iyo qoraalka guud.
✅ 2. SEO Ka Baxsan Bogga (Off-Page SEO)
Tani waxay ku saabsan tahay waxyaabaha bannaanka boggaaga ka jira oo kor u qaadi kara sumcadda iyo kalsoonida boggaaga:
- Xiriirada laga helo bogag kale (backlinks).
- Wadaagista bulshada (social shares).
- Tixraacyo ka imanaya bogag sumcad leh (domain authority).
Tusaale: Haddii mareeg caan ah sida BBC Somali ama Horn Observer ay kugu xirmaan, Google wuxuu u arkaa inaad tahay il lagu kalsoon yahay.
✅ 3. SEO Farsamo (Technical SEO)
Tani waa dhinaca farsamada ee hubinaya in Google iyo dadka labadaba ay si fudud u heli karaan boggaaga:
- Xawaaraha bogga (page speed).
- Habaynta sitemap.xml iyo robots.txt.
- Amniga HTTPS.
- Moobil la jaanqaadid. (Mobile Friendly)
Tusaale: Page Loading ka haddii uu ka bato 7 ilbiriqsi wuxuu khasaarin karaa 70% dadka — Google-na wuxuu hoos u dhigayaa darajadiisa.
Noocyada SEO – Maxay Yihiin? Goorma Ayaa Mid Walba La Adeegsadaa?

SEO waxa uu leeyahay noocyo kala duwan, waxaana mid walba loo adeegsadaa xaalad gaar ah. Fahamka noocyadaan waxay kaa caawinayaan inaad doorato istaraatiijiyadda ugu habboon website-kaaga.
✅ 1. SEO-ga Dabiiciga ah (Organic SEO)
SEO-ga dabiiciga ah waa dadaalka lagu sameeyo bogga si uu uga muuqdo raadinta iyada oo aan la isticmaalin xayeysiis lacag ah.
Tusaale: Haddii aad leedahay blog ku saabsan “Cuntooyinka Soomaaliyeed,” waxaad qortaa maqaal tayo leh oo la jaanqaadaya ereyada ay dadku Google ku raadinayaan. Haddii maqaalkaas uu fiicnaado, Google kor ayuu kuu qaadayaa si dabiici ah.
Goorma ayaa la adeegsadaa?
- Marka aad rabto taraafik joogto ah.
- Haddii aad leedahay miisaaniyad xaddidan.
- Si aad u dhisto kalsoonida website-kaaga muddo dheer.
✅ 2. SEO Lacag Ah (Paid SEO ama SEM)
Tani waxay ka dhigan tahay inaad lacag ku bixiso si boggaaga ugu muuqdo kor ee natiijooyinka Google, iyada oo loo marayo xayeysiiska Google Ads.
Tusaale: Haddii aad iibiso dharka haweenka ee casriga ah, waxaad samayn kartaa xayeysiis marka qofku raadinayo “Dirac casri ah Muqdisho.”

Goorma ayaa la adeegsadaa?
- Haddii aad rabto natiijo degdeg ah (fast traffic).
- Marka aad samaynayso olole suuqgeyn (marketing campaign).
- Haddii tartanku sarreeyo oo aad rabto muuqaal sare.
✅ 3. SEO Meel-Gaar ah (Local SEO)
Local SEO waa nooc gaar ah oo la beegsado dadka ku sugan goob gaar ah — sida magaalo, degmo, ama xaafad.
Tusaale: Haddii aad tahay farmashiye ku yaal Shanta-Geed ee Muqdisho, waxaad rabtaa inaad ka muuqato Google marka la raadinayo “Farmashiye ka dhow Shanta-Geed.”
Maxaa lagu sameeyaa?
- Abuurid Google Business Profile.
- Ku daris ciwaankaaga, lambarkaaga, iyo saacadaha shaqada.
- Helis falcelinta macaamiisha (reviews)
Goorma ayaa la adeegsadaa?
- Haddii aad leedahay meel mehrad ah (dukan, xafiis, farmashiye, iwm).
- Haddii aad beegsanayso dad deegaankaaga jooga.
✅ 4. SEO Ku Saleysan Nuxurka (Content SEO)
Tani waa SEO diiradda saareysa qoraallada, muuqaallada, codadka ama wax kasta oo la akhrin karo/bogga ku jira. Content SEO waa laf dhabarta SEO guud ahaan.
Tusaale: Haddii aad leedahay blog-ka Fatuux.com oo aad rabto inuu kobco, waxaad u baahan tahay maqaalada si fiican loo qoray, erayo muhiim ah lagu daray, kana jawaabaya su’aalaha ay dadku is weydiiyaan.
Goorma ayaa la adeegsadaa?
- Marka aad rabto inaad la tartanto eray gaar ah.
- Marka aad dhiseyso kalsoonida akhristayaasha.
- Si aad u hesho backlinks (dad kale kuu xiro).
✅ 5. SEO Farsamo (Technical SEO)
Waxaan horey uga hadalnay, laakiin halkan waxaan si gaar ah u muujineynaa in uu yahay nooca lagama maarmaanka u ah:
- Ka dhigaya bogga mid degdeg ah.
- Ka dhigaya mid u fudud in la akhriyo (responsive).
- Ka dhigaya mid ay Google si fudud u fahmi karto.
Tusaale: Haddii boggaagu leeyahay 404 errors (bogag aan jirin) ama uu furanayo si gaabis ah, Google kuma fiirinayo si wanaagsan.
✅ 6. Mobile SEO
Tan waxay diiradda saareysaa sida boggaagu uga shaqeynayo telefoonka gacanta. Maanta, in ka badan 60% dadka waxay internet-ka u maraan mobile.
Maxaa muhiim ah?
- Qoraalka inuu si fudud loo akhriyo.
- Boggu inuusan dhinac dhinac u sii jeedin marka la furo mobile-ka.
- Badhamada in la riixi karo.
Khaladaadka SEO-ga Ugu Caansan ee Dadka Soomaalida Sameeyaan (Iyo Sida Loo Saaxo)
SEO waxa uu u baahan yahay xirfad, dulqaad iyo faham sax ah. Waxaa jira khaladaad badan oo ay dadku si joogto ah u sameeyaan marka ay SEO la tacaalayaan — gaar ahaan marka la bilaabayo. Qeybtan, waxaan diiradda saareynaa khaladaadka ugu weyn ee dadku sameeyaan, si aan kaaga digo adiga oo bilaabaya blog ama website.
❌ 1. Qoraal Kooban oo aan Faa’iido Lahayn
Qaar badan waxay qorayaan maqaal 300–500 erey ah iyaga oo u maleynaya in “kaliya qoraal baa la doonayaa.” Laakiin Google wuxuu doorbidaa maqaal dheer oo qoto dheer leh, gaar ahaan haddii aad rabto inaad kasoo muuqato natiijooyinka koowaad.
✅ Xalka:
Qor maqaalada ugu yaraan 1500–2000 eray ah, si qoto dheer uga hadlaya mowduuca. Sida maqaalka aad hadda akhrineyso.
❌ 2. Inaan la sameyn Keyword Research
Inaad maqaal qorto adigoo aan ogayn waxa dadku raadinayaan waa sidii aad duulimaad ugu baxdo adigoon haysan khariidad.
✅ Xalka:
Ka hor qorista, adeegso aaladaha sida Ubersuggest ama Google Trends si aad u ogaatid ereyada ugu raadinta badan.
❌ 3. Inaan la isticmaalin Cinwaano (Headings) H1, H2, H3…
Dad badan waxay ku qoraan maqaal hal jaranjar (text isku joog ah) iyagoo aan u kala qeybinin cinwaano. Tani waxay adkeyneysaa in la akhriyo, Google-na si fiican uma fahmo nuxurka.
✅ Xalka:
Isticmaal cinwaano kala duwan:
- H1 → Cinwaanka ugu weyn
- H2 → Qeybaha maqaalka
- H3 → Qodobbada hoostaga
❌ 4. Ku daris la’aanta links ka gudaha iyo dibada
Maqaal aan lahayn links waa maqaal aan si buuxda loo xirin. Waxaa la joogaa duni ay Ai la wareegt
✅ Xalka:
- Ku xir maqaal kale oo ku jira blog-kaaga.
- Tixraac ilo la isku haleyn karo sida Wikipedia, BBC, Google Blog, iwm.
halkaan ka aqriso xirfadaha ugu fiican oo la baran karo 2025
❌ 5. Inaan la isticmaalin Alt Text Sawirrada
Sawirrada haddii aysan lahayn qoraal sharaxaad ah (alt text), Google ma fahmo waxa ku jira — waxayna noqonayaan fursad seegmay.
✅ Xalka:
Mar kasta ku dar “alt text” sawir kasta:
Alt Text: “Qof ku baranaya SEO kombuyuutar hortiisa”
❌ 6. Inaan laga fikirin Moobilka (Mobile Optimization)
Dad badan oo Soomaaliyeed waxay isticmaalaan mobilka, sidaas darteed haddii boggaagu si xun uga muuqdo mobilka, waxaa lumay taraafik badan.
✅ Xalka:
- Adeegso naqshad responsive ah.
- Is tijaabi: fur boggaaga mobile, eeg sida uu u shaqeynayo.
❌ 7. Xawaaraha Bogga oo Gaabis ah
Boggag si gaabis ah u furmaya waxay sababaan niyad-jab dadka soo booqanayo boggaas.— Google-na ranking ka ayuu kala laabtaa bogaas..
✅ Xalka:
- Iska yaree cabirka sawirrada.
- Isticmaal hosting tayo leh.
- Ka fogow plugin fara badan haddii aad isticmaaleyso WordPress.
Haddii aad u baahan tahay inaad yeelato bog SEO giisa fiican yahay halkaan igala soo xariir.
❌ 8. Qoraalka oo aan La Cusbooneysiinin
Waxaa jira website-yo badan oo leh maqaal 2020 la qoray oo maanta aan qiimo lahayn. Google wuxuu jecel yahay wax cusub oo la cusbooneysiiyo.
✅ Xalka:
- Dib u eeg maqaaladii hore.
- Ku dar xog cusub (tusaale: sannadka hadda jira).
- Beddel tusaalooyinka & link-yada dhacay.
❌ 9. Ku daris la’aanta CTA (Call to Action)
Qaar badan oo bloggers ah waxay maqaal dhameeyaan iyaga oo aan weydiisan akhristaha inuu talaabo qaado. Taasoo ka dhigan fursad ganacsi oo luntay.
✅ Xalka:
Isticmaal CTA cad:
“Haddii aad rabto inaad bilaawdo SEO, annaga ayaan kaa caawin karnaa. Nala soo xariir maanta.“
❌ 10. Isku Dayga Inaad Khiyaanto Google (Black Hat SEO)
Tusaale ahaan: keywords si xad dhaaf ah u celcelis, backlinks been abuur ah, ama qoraallo laga xaday bogag kale.
✅ Xalka:
La shaqee Google, ha isku dayin inaad khiyaanto. U samee dadka maqaal aad adiga qortay — Google si toos ah buu kuu garab taagan yahay marka aad si dabiici ah wax u sameyso.
Gunaanad
SEO (Search Engine Optimization) waa halbeegga ugu muhiimsan ee lagu gaaro guul online ah – ha ahaato inaad tahay blogger Soomaaliyeed, ganacsade, ama qof doonaya inuu bulshada wax u faa’iideeyo. Marka aad fahamto sida SEO u shaqeeyo, aadna u barato sida loo adeegsado, waxaad leedahay fursad dahabi ah oo aad:
✅ Kusoo jiidan karto dad badan boggaaga
✅ Kordhin karto sumcaddaada iyo kalsoonida dadweynaha
✅ U beddeli karto akhristayaal macaamiil
✅ U tartami karto si sharaf leh Google iyo internet-ka guud ahaan
SEO maaha wax hal mar la sameeyo ee waa socod joogto ah. Waa inaad si nidaamsan ula socoto isbeddellada, u cusbooneysiiso maqaaladaada, oo aad la timaado xalal u qalma su’aalaha dadka Soomaaliyeed ee raadinaya adeeg ama akhris tayo leh.
Talo Furan: Haddii aad tahay qof hadda bilaabaya ama weli la tacaalaya fahamka SEO, ha walwalin – waa lagaa caawin karaa.
📣 CTA:
Ma dooneysaa in blog-gaaga ama ganacsigaaga uu kasoo muuqdo bogga koowaad ee Google?
👉 Anaga ayaan kaa caawin karna ee nagala soo xariir +252 616556606
📈 We can help you to get started and boost your online presence.