Article Contents
Hordhac: Maxuu Yahay SEO iyo Sababta uu Faa’iido U Yahay?

Marka aad internet-ka gasho oo aad raadiso adeeg ama xog gaar ah, ma isweydiisay sida Google u kala hormariyo natiijooyinka? Waa halkaas meesha ay SEO (Search Engine Optimization) ka bilaabato. SEO waa hab loo hagaajiyo bogagga internet-ka si ay uga soo muuqdaan meelaha hore ee raadinta Google iyo search engines ka kale.
Laakiin su’aasha muhiimka ah waxay tahay: Maxuu kuu tarayaa?
SEO ma ahan eray qurux badan oo kaliya — waa istaraatijiyad dhab ah oo kuu horseedi karta koboc ganacsi, sumcad dijitaal ah, iyo booqashooyin badan oo qiimo leh kaas aad hadhow ka sameyn karto lacag, magac baahin iwm.
Halkaan ka aqriso Waa Maxay SEO oo tafatiran. Ku dhufo halkaan.
Faa’idada Ugu Weyn Oo Loo Sameeyo SEO
1. Xayeysiis Bilaash ah oo Joogto ah
Markaad SEO si sax ah u isticmaasho, website-kaaga wuxuu si dabiici ah uga soo muuqanayaa natiijooyinka raadinta. Tani micnaheedu waa inaad heli karto kumanaan booqasho bishii adigoon bixin xayeysiis lacag ah.
Tusaale: Somali Health TV, kadib markii aan u sameynay SEO istiraatijiyad adag oo ah “health awareness keywords” sida “health tv in somalia” iyo “somali health tv in somalia”, waxay bilaabeen inay ka muuqdaan bogga 1aad ee Google. Booqashadoodii bishii waxay kordheen 140% muddo saddex bilood ah.
2. La Xariirka Macaamiisha
SEO waxay kuu sahlaysaa inaad si gaar ah ula hadasho dadka daneynaya waxa aad bixinayso. Tusaale ahaan, haddii aad tahay farmashiye ama isbitaal, waxaad diirada saari kartaa ereyo la xiriira daawooyinka ama talooyinka caafimaad. Waana kaa caawin karnaa inaad kusoo baxdo bogga hore ee google ka.
3. Sumcad (Trust) iyo Kalsooni Dhisid
Dadku waxay aamminsan yihiin in Google uu hormariyo bogagga ay u arkaan kuwa muhiim ah. Haddii website-kaaga si joogto ah uga muuqdo bogga hore, waxaad dhisaysaa kalsooni iyo sumcad aan lacag lagu soo iibsan karin.
4. Faa’iido Waarta oo aan Kumeel-gaar Ahayn
Xayeysiiska lacagta ah (ads) wuxuu kuu keeni karaa dad booqda mareegtaada markii lacagta aad bixiso, laakiin SEO wuxuu kuu keenaayaa booqasho joogto ah — waqti dheer kaddib.
5. Kordhinta Dakhligaa
Marka booqashooyinku kordhaan, kalsooniduna soo baxdo, waa hubaal in dakhligaaga ganacsi is beddelayo. SEO waa aalad toos ah oo keenta koboc dhaqaale.
6. Ka Hormarka Tartamayaasha
Haddii aad si fiican u hirgeliso SEO, waxaad ka horeyn kartaa kuwa kula tartamaya isla adeegyada aad bixiso — gaar ahaan haddii aad adeegsato ereyo muhiim ah (keywords) ay dadka raadiyaan.
Case Study — Somali Health TV

Somali Health TV waxay nala soo xiriireyn iyaga oonan laheyn wax website ah iyo online presence ah waxaana u fulinay:
- Dhisida website qurxoon oo casri ah
- Cilmi-baaris ayaan ugu sameynay ereyo muhiim ah oo la xiriira caafimaadka bulshada Soomaaliyeed
- Qorista xog tayo leh oo af Soomaali ah
- Hagaajinta SEO-ga gudaha iyo dibadda (On-page SEO and OFF-Page SEO)
Natiijooyinka:
- 7 keywords oo muhiim ah ayaa ka muuqday bogga 1aad ee Google 90 maalmood gudahood
- Booqashooyinka website-ka bishii waxay kor u dhaafeen 1500
- Waxay heleen xayeysiis lacag la’aan ah (organic traffic)
- Sumcaddooda bulshada dhexdeeda way kortay
Haddii aad rabto in ganacsigaaga ama blog-gaaga uu ka muuqdo Google, waxaan kaa caawin karnaa inaad SEO sax ah kuu dhisno iyo mareeg la jaan-qaadi karto dunidaan casriga ah.
Waa Maxay Faa’idooyinka Ay Leedahay SEO?
SEO waxay leedahay faa’iidooyin badan oo ganacsiyada iyo bloggers-ka ay si weyn uga faa’iidaystaan. Faa’iidooyinka ugu waaweyn waxaa ka mid ah:
- Waxaad helaysaa booqashooyin dabiici ah oo bilaash ah
- Waxaad kor u qaadaysaa sumcadda ganacsigaaga
- SEO waxay kuu keentaa macaamiil la beegsaday
- Waa mid dhaqaale badan lagaga faa’iidaysto marka la barbar dhigo xayeysiiska
- Waxay kordhisaa dakhliga guud ee shirkadda
- Waxaad ka horeyn kartaa tartamayaasha